Ma Dhabaa in Kooxda Shababka Ka Rarteen Dhaacyadii iyo Xasaaskoodii Degaanka Gaan ee Xaradheere

Somalia news

Warar loo qaateen ah ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq iyo mashquul badan laga dareemay 4-7 maalmood ee u dambeysay Degaanka Gaan oo ka tirsan Degnada Xaradheere Gobolka Mudug, iyadoo ay degaanada soo gaareen Xaasas, Caruur iyo tiro badan Dhaawacyo kooxda argagixisada Shababka ah…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in ilaa 4-Doomood ay ku soo xirteen marsada degaanka Gaan, Wararka ayaa sheegay in xiliyada haveenkii laga soo rarko Dhaawacyada iyo Xaasaska Horjoogayaasha kooxda Shababka ee ku noolaa Degmooyinka Aadan yabaal (Shebeelada dhexe), Ceelbuur iyo Ceel dheer (Galguduud).

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Degmada Xarardheere ay sadexdii maalin ee lasoo dhaafay ay ku jirtay xaalad cakiran oo aysan horay u arki jirin , iyadoo dhaawacyada meel la kala geeyo la waayey, ugu dambayna ay ka war heleen magaaladii oo haawanaysa oo ay ka guureen kooxda argagixisada Shababka.

Wararka ayaa sheegay in Doomahaadi ay muddo ah ku sugnaa xeebaha hoos yimaad Degmada Xarardheere, iyagoo qaab kalluumaysi ah uga howlgelijiray degaanka, islamarkaasna kalluunka ka iibsan jiray saxiimadaha yaryar ee halkaas ka howlgala, waxaana doomahaas wakiil ka ahaa nin degaanka Caan ka ah kana soo jeeda Degmada Cadaado.

222490cookie-checkMa Dhabaa in Kooxda Shababka Ka Rarteen Dhaacyadii iyo Xasaaskoodii Degaanka Gaan ee Xaradheere