Siyasadda Marin-Habaabinta ee Horgalada Siyaasiyiinta Dalka & Sida looga Gudbi karo..

Politics Somalia news

Horgalada Siyaasadeed ee Sanadahaan Meherada ka dhigtay ka Ganacsiga Siyaasada waxay inta badan adeegsadaan xeelado ay ku marin habaabiyaan Shacabkooda si ay u ilaashadaan Kursiga, Awooda iyo Danahooda Shaqsiga ah, Somalia Khilaafyada ka dhaxeeya Hogaanka Villa Somalia iyo Siyaasiyiinta Daaroodka (alias) Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland waxay keeneen in su’aalo badan la iska weydiiyo ujeeddooyinka ka dambeeya tallaabooyinka…

Iyadoo Khikaafyadaan ay salka ku hayaan Sad buursi iyo dano gaar ah lana qorsheeyay in afduub lagu heysto Dowlad dhiska Dalka, waxeyna walaac ku abuureen Shacbiga Soomaaliyeed, Inkasta oo sababaha dhabta ah ee khilaafkani aan weli la shaacin, hadana waxay la jaanqaadayaan wada-xaajoodyada arrimaha la xiriira sad buursi ku dhisan awood qeybsiga Dalka iyo sahminta saliidda iyo khayraadka dabiiciga ah, gaar ahaan heshiisyada lala galay Turkiga iyo Dowlado kale sida UAE & Israel.

Khilaafka ayaa sababay in Khilaafka u dhexaysa Hogaanka Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ayaa ah mdi Masiiri ah, iyadoo Siyaasiyiinta Daarood ah muddo 15-sano hortaagan yihiin in Maamul loo dhiso Gobolka Benaadir, ku darsoo waxey kaloo diideen in ka mideeyo Ciidamada & Canshuuraha Dalka Dekedahana la hoos geeyo Awooda Dowlada Federaalka, Villa Somalia ayaa dhankooda isku koobtay iney heshiisyada Kheyraadka Dalka la talo geliyo Maamulada Beeleysan ee Dalka.

Talooyinka La gudboon Maamul Goboleedyada

Maamulada Degaanada Beelaha Daarood waa iney Siyaasiyiintooda Danleyda ah ka fekeraan sidii Danta guud ee Dadka & Dalka loo hormarin lahaa halka ay ku mashquulayaan sidii ay Awood iyo Dhaqaale boobka Degaanada ay Maamulaan xoog iyo xeeladba ugu fushsn lahaayeen dantooda gaarka ah isla markaasna soo wareejiyaan Dekedaha iyo Xeryaha Ciidamada si loo mideeyo Canshuuraha iyo Ciidamada Dalka.

Talo ku Socota Kooxda Villa Somalia

Hogaanka Villa Somalia waa inuu kala saaraa Koox-diimeedkiisa (Damu-jadiid) iyo Danta Guud ee Shacbiga ku nool Gobolka Benaadir waana inuu fahmaan iney tani tahay dagaal-siyaasadeed istiraatiiji ah oo saameyn weyn ku leh aayaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee Somalia, Shacbiga Mogdishu uu yahay Miisaanka ugu weyn Dalka, Waxaa waajib ku ah Shacabka iney indhahooda furaan oo aysan u oggolaanin in loo adeegsado marin-habaabinta siyaasadeed si looga leexiyo arrimaha muhiimka ah ee khuseeya jiritaanka iyo horumarka Qaranka.

351170cookie-checkSiyasadda Marin-Habaabinta ee Horgalada Siyaasiyiinta Dalka & Sida looga Gudbi karo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com