Maxaa Shaqada Canshuur Uruurinta Dowladda Shirkaddo Gaar ah Maamulka ugu Xushaa…

Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in Mas’uuliyiinta Wasaarada Maaliyada ay shirkad gaar ah ku wareejisay uruurinta qeyb ka mid ah Canshuuraha u soo xarooda Dowlada Federaalka, talaabadaan oo lamid ah tii uu ku dhaqaaqay Maamulka Gobolka oo Shirkad fasax u siisay ine Mootooyinka ka qaadaan Canshuurta…

Ilo wareedkaan ayaa Wasidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Shirkadaan todobaadkaan ka howl geli doonta, waxayna ka shaqey doontaa Canshuur uruurinta Daaraha iyo Wado-marista, waxaana la sheegay in Agaasimaha Guud ee Wasaarada oo garab ka helaaya Madaxtooyada ay Shirkadaan Saamiyo ku wada leeyihiin.

Ku darsoo Shirkadaan ayaa qoratay Ilaalo hubeysan iyo Shaqaale gaar ah, waxaana sidaas shaqadoodii ku waayey in ka badan 200 oo Qof oo Wasaaradda Maaliyadda uga shaqey jiray uruurinta canshuuraha, ilo wareedkaan ayaa sheegay in 70% canshuurta soo xaroota ay Shirkaddu ku shubi doonto Akoonka Wasaaradda maaliyadda, halka 30% ay la hari doonto.

296630cookie-checkMaxaa Shaqada Canshuur Uruurinta Dowladda Shirkaddo Gaar ah Maamulka ugu Xushaa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com