Hogaamiyayaasha Ku Shiray Mogadishu Oo Diray Fariin aan Afka laga Sheegin

Somalia news

Shalay waxaa Caasimada Mogadishu ka qabsoomay Shir ay ka qeyb galeen Hogaamiyayaasha Dalalka Deriska la ah Somalia, iyadoo Dalalkaan ay yihiin kuwa safka hore Ciidamo Nabad ilaalineedna ay ka joogaan Dalka ayaa ka qeyb galay Shir Saacado socday…

Shirkaan ayaa nuxurkiisa u badnaa Hab-maamuus iyo in fursad loogu muujinaayo Dalalka Aduunka iney ka mideysan yihiin la dagaalanka kooxaha Argagixisada, waxaana daah gadaashiisa ka soo agaasimay Dalka Mareykanka oo sanadahaan dambe aad u lumiyay saameyntiisa Qaarada Afrika.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in qofobada ka soo baxay War-murtiyeedka ayaa ahaa kuwo horey khadka isgaarsiinta looga wada hadlay halka qaar kale ay ahaayeen kuwo muddo au heshiis ku ahaayeen, iyadoo qodobada qaarkood ay xambaarsanaayeen fariimo mug leh, waxaana ka mid ahaa ilaalinta Midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

240300cookie-checkHogaamiyayaasha Ku Shiray Mogadishu Oo Diray Fariin aan Afka laga Sheegin
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com