Dowladda Federaalka Oo Dalbatay in La Soo Afjaro Mashruuca Ilaalinta Xeebaha

Somalia news

Danjiraha Somalia ee u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa Ka codsaday in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee La-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021) ee Maarso 3, 2022, Howlgalkaan ayaa socday sanooyinkii ugu dambeeyay…

Xeebaha Somalia ayaa laga aaminsanaa meel halis ah iyadoo aysan jiran warbixin sax ah oo cadeynaysa in ay halis dhanka nabad-geliyaha ah ay ka jirto isu socodka gaadiid Badda ee marin badeedka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia.

Arintan ayaa noqo mashruuc la buunbuuniyay oo Dowlado shisheeye ay shaqo ka dhigteen, hase ahaa maanta oo taariikhdu 15 February 2022 ayay Dowladda Soomaaliya u suuragashay in gebi ahaanba la xiro mushruucan sumcad xumadda xambaasanaa muddada dheer.

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan ayaa sheegay in guud ahaanba la joojiyay Mashruuc La-dagaalanka Burcad-badeedda, maadaama aysan xeebaha Soomaaliya ka jirin wax Burcad-badeedda ah, wuxuuna intaasi raaciyay “shantii sano ee lasoo dhaafay wax weerar Burcad-badeedda ah kama dhicin xeebaha dalkeena sidaas darteed shaqadda howlgal caalamiga ee loogu magacdaray La-dagaalanka Burcad-badeedda waxaa looga faa’iideysan karaa arimo kale oo lagu xoojin karo Dowladnimada Somalia ee taageeradda beesha caalamka”.

169220cookie-checkDowladda Federaalka Oo Dalbatay in La Soo Afjaro Mashruuca Ilaalinta Xeebaha