Somalia Lacagta Diyada (Dhiiga) waa ineysan noqon Mid Dhiiri Gelisa Gacan-ku Dhiiglayaasha & Beelahooda..

Somalia news

33-dii sano ee u dambeysay waxaa Dalka Somalia caadi ka noqday in Gacan-ku-dhiigle si bareer ah wax u dila ay Beeshiisu Lacag (Mag-Diya) culeys ku saartaa Beesha ay Qoyska Dhibanayaasha ka soo jeedaan weliba loogu daro hanjabaado hadii ay qaadan waayaan…

Inkastoo Lacagta dhiigga (mag/diya) ay ahayd qayb muhiim ah oo ka mid ah Nidaamyada cadaaladda Dalka tan iyo 1991. Ka hor 1991-kii lacagta dhiigga waxaa la siin jiray qoyska dhibanaha oo keliya haddii sababta dhimashada loo arko inaysan ahayn dil qorsheysan, Sheekha Soomaaliyeed ayaa ku doodaya in lagu dhaqmo awaamiirta Islaamka ee lagu maamulayo bixinta lacagaha dhiigga ah. Qoyska dhibanaha ayaa ikhtiyaar u leh inay aqbalaan ama ayan aqbalin yabooha lacag dhiig ee qoyska dembiilaha.

Marka ay dhacdo in Gacan-ku-dhiigle uu ka soo jeedo Beel hubeysan oo Dhaqaale iyo awood badan isu heysata, kuwaasoo Nidaamka Garsoorka iyo Hey’adaha Amaanka culeys ku saarta in loo xagal daaciyo Xukunka, waxaa ka dhasha habacsanaanta nidaamka Garsoorka Somalia, iyadoo Sanadihii u dambeeyay ay aad u kordheen isla xisaabtan la’aanta.

Bixinta lacagta dhiigga waa inuu ku yimaado Heshiis is afgarad ah oo Qoyska dhibanaha iyo Qoyska Dembiilaha ay u siman yihiin Sharciga, Haddii hal qabiil ku tashado Awooda Dowlada isla markaasna culeys lagu saaro Garsoorka iyo Qoyska Dhibanaha waxaa ka dhasha caddaalad darro, iyadoo lacagta dhiigga ay isu bedaleyso qalab ay si ula kac ah uga faa’iidaysato Beesha Gacan ku dhiiglaha.

Nidaamyada cadaaladda isku-dhafka ah ee Dalka, waxay isku daraan Qodobada Xeerka Ciqaabta iyo Shareecada, Isku dhafkan labada Nidaam cadaalad ah kama tixgalinayaan cadaalad darada ku duugan nidaamka cadaaladeed ee colaadaha kadib Somalia oo dhan, waxaana haboon in Garsoorka Islaamka mudnaanta 1-aad la siiyo.

327000cookie-checkSomalia Lacagta Diyada (Dhiiga) waa ineysan noqon Mid Dhiiri Gelisa Gacan-ku Dhiiglayaasha & Beelahooda..