Muranka Dhulalka Ee Caasimada & Baahida loo qabo Nidaam Diiwaangelineed oo Casri ah

Somalia news

Kadib burburkii Nidaamkii Hey’adaha Dowliga ee Somalia sanadkii 1991-gii ayaa noqday kuwa saameyn ku yeeshay dhinac kasta, iyadoo ay howlgab noqdeen Hey’adihii Dowladda oo fulin jiray Adeegyada sida Bixinta Dhulalka iyo kala iibsiga, Diiwaankii guud ee Dhulalka wuxuu gacanta u galay shaqsiyaad macaash badan ka sameey…

Muranada Dhulalka

Kadib markii ay soo laabtay xasilooni yar isla markaasna Dowlad loo dhisay Dalka, ayaa waxaa soo shaac baxay in Shaqsiyaad ay weli heystaan Diiwaankii guud ee Dowladda, iyadoo Maamulka Dowladda hoose, Saraakiisha Amaanka ay ku guuldareysteen iney dib u soo celiyaan Diwaanka Dhulalka, iyadoo xiligaan ay Muwaadiniin badan dhulkooda xoog looga heysto loo sameystay Waraaqo been abuur ah.

Xeerarka Dhulalka ee Magaalada Mogadishu

Shuruucda ay xiligaan ku shaqeyso ee lagu maamulo Dhulalka ayaa xeer Lambar-10 kaasoo la soo saaray 17-Oktoobar 1980, qodobka 1-aad ayaa xeerinaaya in Dowladda hoose mida u xil saaran naqshadeynta, bixinta & ka garnaqista dhulalka magaalada, iyadoo sidoo kale xeerkaan uu Dowladda hoose awood u siinaayo iney dejiso halbeegyada guud (Jaan-goynta) sida qoondeynta iyo calaamadeynta dhulalka loo qondeeyo Guyaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo wixii la mid ah.

240360cookie-checkMuranka Dhulalka Ee Caasimada & Baahida loo qabo Nidaam Diiwaangelineed oo Casri ah