Somalia Loo Xukumay inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya

Uncategorized

Somalia ayaa ku guuleysatay inta badan kiiskii dacwadda badda ee kala dhaxeeyey Kenya, ayada oo loo xukumay dhul-badeedkii la isku hayey badankiisa, sida aygo’aamisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Maxkamadda ayaa marka hore diiday doodda Kenya ay aheyd inuu jiro heshiis ama is-faham labada dal ay isku raacsan yihiin oo ah inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka, waxayna ayidday doodda Soomaaliya oo aheyd inaanu jirin heshiis noocaan oo kale ah.

Maxkamadda ayaa kadib aqbashay codsiga Soomaaliya ee ahaa inay go’aan ka gaarto xuduud badeedka labada dal, waxayna Maxkamadda ICJ ayiday doodda Soomaaliya ee aheyd in xadaynta lagu saleeyo xariiqda tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda.

Sida ka muuqata sawirka hoose, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka, waxaana 12 mile kadib xariiqda in yar loo qaloociyey dhanka Soomaaliya. 

144760cookie-checkSomalia Loo Xukumay inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya