Soomaalida Kenya Oo Madaxweynaha cusub ugu baaqday Hagaajinta Xiriirka Labada Dal

Uncategorized

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Culumada iyo Ganacsatada magaalada Nairobi oo ka hadlay isbadalka Somalia ayaa raja wanaagsan ka qaba in Madaxweynaha cusub Hassan Sheekh Maxamuud iyo Maamulkiisa ay dib u hagaajin doonto xiriirka ganacsi ee labada dal ee kaasoo hoos u dhac ku yimid sanadihii lasoo dhaafay…

Sheikh Maxamed Ibraahim Shakuul oo kamid ah guddiga Ganacsatada Soomaalida ee Kenya ayaa rajada ay ka qabaan dowladda cusub ee ku aadan arrintaasi waxaa uu uga warramay Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.

Sheekh Shakuul ayaa sheegay in Axada soo socota ay qaban doonaa Xaflad balaaran oo lagu taageeraayo Madaxweynaha cusub magaalda Nairobi, wuxuuna ugu baaqay in la hagaajiyo xiriirka labada oo sanadihii ugu dambeeyay aad u xumaaday kadib markii Farmaajo iyo Uhuruu uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay isla markaasna ay istaageen dhamaan xiriirkii ganacsi ee 2-Dal.

190080cookie-checkSoomaalida Kenya Oo Madaxweynaha cusub ugu baaqday Hagaajinta Xiriirka Labada Dal