Share the post "Somalia Oo Helis Qarka u Saaran Iney Lumiso Deeqaha Bangiga Horumarinta Africa (AFDB).."
Warbixin ay soo saareen Bangiga Horumarinta Africa ayaa looga digay Dowlada Somalia iney halis ugu jirtaa iney lumiso Malaayiin lacag ah oo dib u habeyn ah haddii aysan soo dedejin dib u habeynta Dowladnimada ee uu taageerayo Bankiga Horumarinta Afrika…
Warbixintaan digniinta xambaarsan ayaa lagu xusay in 18-Bilood markii uu socday $13 Millions oo ah Taakulaynta Hay’adaha ee Mashruuca Maamulka Dhaqaalaha (ISEGP), Dalku wuxuu isticmaalay 15.2 boqolkiiba dhaqaalaha, taas loo ka dhigaysa Mas’uuliyiinta Maaliyadda Federaalku iney ku tartamaan in ay saddex jibaaraan heerka lacag bixinta bishiiba ka hor dhamaadka mashruuca ee Dicembar 2026.
Warbixinta AfDB ee May 2025 ayaa sawiro kala duwan ka bixisay: Dakhliga Canshuuruhu wuxuu sare u kacay 2.8% GDP sanadka 2023, iyo la xisaabtanka laamaha Dawlada Somalia ee Tusmada Ibraahim waxay kor u kacday 20.1%, taasoo ka gudubtay halbeeggii 2026, Laakiin falanqeeyayaasha ayaa ka digaya faa’iidooyinkaas oo ka yimid kor u kaca ku-meel-gaarka ah-sida hagaajinta tacriifadaha iyo dib-u-habaynta GDP-ma aha dib-u-habaynta qaabdhismeedka.
kastaba ha ahaatee, inta badan wax soo saarka mashruuca ayaa weli ku jira marxaladaha hore, kaliya mid ka mid ah 16 wax soo saarka-Istaraatiijiyada Dakhliga Muddada Dhex-dhexaadka ah ee la bilaabay 2024- ayaa dhamaatay, Warbixintu waxay xaqiijinaysaa in istaraatiijiyadani ay ku wargelisay odoroska dakhliga Somalia ee 2025-ka, laguna horumariyay la tashiyo lala yeeshay Dowlada Federaalka iyo Maamulada Gobolada.
Khilaafka Maamulka Puntland oo Gaabis ku ah Fulinta Mashaariicda..
Qayb muhiim ah oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee ISEGP-casriyeynta xafiisyada dakhliga gudaha ee guud ahaan Dowladaha xubinta ka ah Faderaalka ee Somalia ayaa la kulmay jidgooyo siyaasadeed, Marka loo eego warbixinta AfDB ee Maajo 2025, nashqadaha horudhaca ah ee xafiisyada canshuurahaan waxaa ansixiyay dhamaan Dowladaha xubnaha ka ah federaalka (FMS) marka laga reebo Puntland, oo hakisay ansixinta naqshadda dhexe.