Dowladda Federaalka Oo Ku Raad Joogta Dhaqaalaha Doorashada

Somalia news

Kulan looga hadlayo dhaqaalaha ku baxaya Doorashada 20/21 ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalada Muqdisho sida uu shaaciyay Wasiirka Maaliyadda Somalia, Kulankaan oo Ujeedadiisa lagu fasiray sidii ay dowladu uga heli lahayd beesha caalamka lacagta ay u qorsheysay in lagaga caawiyo qabashada doorashada oo gaareysa $36-Millions oo US$ ah…..

Wasiirka Maaliyada ayaa dhowaan sheegay in lacagta ku baxeysa doorashada waxa ay dhan tahay $40 Milyan oo Dollar, dhaqaalahaasi waxey Dowladu saami ahaan ay ka bixineyso lacag dhan $4/Milyan oo dollar, halka Beesha Caalamka laga doonayo in ay dhammeystirto, (90% Beesha Caalamka ayaa bixineysa Dowladuna 10%).

Mr.Bayle oo si hordhac ah uga hadlay lacagtaas ayaa sheegay in loo adeegsanayo Safarada Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo  heer Dowlad Goboleed, Goobaha ay degayaan xubnaha Guddiga, Xafiisyada shaqada, Tababarada Ergada iyo Gunooyinka howlwadeenada.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal (FIET) ayaa ku dhawaaqay toddobaadkan doorashooyinka Golaha aqalka sare in ay bilaaban doonaan 27-ka Diseembar illaa iyo 6-da Janaayo si loogu gogol xaaro xulashada ergooyinka dooran doona xildhibaannada.

82250cookie-checkDowladda Federaalka Oo Ku Raad Joogta Dhaqaalaha Doorashada