Kuraastii Gobolka Benadir Oo La Baafinaayo (Maqaal)

Somalia news

Kadib markii la laga soo saaray heshiis iyo War-murtiyeed Kulankii Villa Somalia ee u dhaxeeyay Dowlada Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, ayaa waxaa weli taagan hubanti la’aanta Metelaada iyo maqaamka Shacbiga Gobolka Benadir ay ku yeeshaan Doorashooyinka 2020-21 oo 1-da Novembar la bilaabaayo in la qabto….

Inkastoo uu heshiiskaasi ay wada gaareen dhinacyadaan ayaa haddana waxaa ayaan darro ah in aan wada hadalada lagu soo darin, ka hadalka Matalaada iyo Maqaamka Gobolka Benadir, iyadoo Maamulka Fashilay ee Farmaajo uu ku rati kacsaday in loo qoondeeyo 13-xubnood ay ku yeeshaan Shacbiga Gobolka Benadir AXubnaha Aqalka sare.

Aqoonyahannada ay isku waafaqsan in hanaanka loo maray Ololahaan ay gebi ahaan baal marsaneyd Shuruucada dalka iyo Dastuurka KMG ah, iyadoo Gudoonka Golaha Shacbiga oo ka shidaal qaadanaaya Madaxtooyada ayaa meel mariyay Qaraar aan soo marin Golaha Wasiirada, waxaana u sacab tumay dulaaliin Siyaasadeed oo damacoodu hooseeyo.

Mr.Farmaajo ayaa ku dhiiran waayay inuu qalinka ku duugo Qararkaan qabyada ah, maadama uu baal marsan yahay Dastuurka dalka u degsan yahay, iyadoo loo rogay qarar taasoo god ku riday rajadii Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta danleyda ah ee u durbaan tumaayay ololahaan.

Talaabadaan ayaa markii horey aysan Daacad ka aheyn Mr.Farmaajo iyo Gudoomiyaha Golaha Shacbiga, waxaana marqaati u ah in intii uu socday Doodaha Doorashooyinka ayuu Mr.Farmaajo ka baaqsaday inuu ku soo daro ajndaha Maqaamka Gobolka Benadir, hase yeeshee talaabada uu qaaday ayaa noqotay in Gudoomiyaha Gobolka Benadir uu xubin sharafeed ka dhigo ka qeyb galka Kulanka Villa Somalia lagu qabtay.

Siyaasiyiinta iyo Danleydii uu sacba tumaayay Mr.Farmaajo ayaa dhamaadka Kulanka iyo war-murtiyeedka kadib weli waxey baafinayaan kuraastii lagu oor-kacsaday, iyagoo ku eedeeyay Mr.Farmaajo inuu khiyaamay oo uu ka gaabiyay inuu 13-kii xubnood ee Wakiillada Gobolka Benaadir meel saaro.

Matalaada Gobolka Benadir ayaa la heli karaa marka la cadeeyo Maqaamka, hadii ay noqoneyso Dowlad Goboleed ay Dadkeedu soo doortaan Xildhibaano ku metala Golayaasha Dowlada Federaalka, dib u dhacyadaan ayaa loo in aan wakhti hore la bilaabin ololahaan iyo iney Eeda wada leeyihiin Hogaamiyayaasha xilgaan wakiilka ka ah Beelaha Gobolka, kuwaasoo ka gaabiyay 10-kii sano ee ugu dambeeyay iney ka shaqeeyaan sidii Shacbiga Gobolka Matalaad iyo maqaamka Caasimada ugu yeelan lahaayeen Golayaasha Federaalka (Cidna Uma Maqna Ceelna uma Qodna).

61720cookie-checkKuraastii Gobolka Benadir Oo La Baafinaayo (Maqaal)