Somalia Oo Isku Diyaarineysa Buuxinta Xubnimada Golaha Amaanka ee QM..

Africa News Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa in Somalia oo lagu wado in 2024-2025 ay kursi aan joogto ahayn ku yeelato Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo aan la tartamin kursiga kooxda Afrika, Codbixinta ayaa la qorsheeyay 6-da June inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay…

Wararka ayaa sheegaya in Dalalka Somalia, Denmark, Greece, Pakistan, iyo Panama ayaa u tartamaya shanta kursi ee diyaarsan. Dhamaan 5-Dal ee murashax ayaa hore uga soo mid noqday Golaha, oo ay ku jiraan Pakistan 7-jeer, Panama 5-jeer, Danmark 4-jeer, iyo Giriigga 2-jeer, Waxa ay noqoneysaa markii labaad ee Somalia ay xubin ka noqoto Golaha Amaanka, iyadoo ugu dambeysay 1971 ilaa 1972.

Musharaxnimada Somalia ayaa taageero Xoogan ka heshay Dalalka Midowga Afrika (AU), Fadhigii caadiga ahaa ee 44-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika bishii Febraayo 2024, ayaa Somalia lagu ansixiyey iney noqoto musharaxa kaliya ee u taagan Kursiga Afrika, Ansixintan ayaa keentay iney ka haraan Dalalka kale oo ay ku jiraan Mauritius iyo Madagascar.

Somalia ayaa qorsheyneyaa iney mudnaanta hore siiso Arrimaha Haweenka, Nabadda, iyo Amniga (WPS) iyo Ajandayaasha Dhalinyarada (YPS), iyadoo xoogga la saarayo ka-qaybgalka bulshada rayidka ah, Xubinnimada Somalia ee labada Urur ee Jaamacadda Carabta (LAS) iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) waxey u dhigaysaa dhexdhexaadiye istiraatijiyadeed oo colaadaha Gobolka.

329450cookie-checkSomalia Oo Isku Diyaarineysa Buuxinta Xubnimada Golaha Amaanka ee QM..