Golaha Amaanka Oo Kordhiyay Mudada Kaalmeynta Howlgalka ee Somalia

Somalia news

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar lagu cusboonaysiinayo shaqada Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Somalia muddo shan bilood ah…

Qaraar tirsigiisu yahay 2632 oo ay si wada jir ah u ansixiyeen 15-ka xubnood ee golaha, ayaa loogu ogolaaday in xafiisku sii shaqeeyo ilaa Oct. 31, 2022, Golaha ayaa ka codsaday Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inuu golaha si joogto ah ula socodsiiyo meel marinta qaraarkan, iyadoo warbixinta xigtana ay ku egtahay 31-ka Agoosto.

Golaha ayaa sidoo kale ka codsaday xoghayaha guud, inuu wadatashi la sameeyo Dowladda Federaalka, si dib u eegis loogu sameeyo UNSOM, loogana mira dhaliyo howshii loo igmaday inuu fuliyo, UNSOM waxaa la aas aasay June 2013 Golaha Ammaanka si uu u taageero dowlad dhisidda iyo nabadeynta Dalka. 

190990cookie-checkGolaha Amaanka Oo Kordhiyay Mudada Kaalmeynta Howlgalka ee Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com