Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Dad rayid ah oo u badan haween iyo carruur ayaa xalay Xoogaga Amaanka ee Somaliland ay raafeen xaafadaha kala duwan ee Laascaanood…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ka badan 700-qof oo ka soo jeeda degaanada Konfurta Somalia laga uruuriyay gudaha Magaalada ayna ku jiraan Ganacsato qaarkoodna dhaawacyo iyo jir dilo loo geystay, iyagoona la isugu geeyay gudaha Garoonka kubadda Cagta Cabdi Bile ee Magaalada.
Dadkaan waxa ku jira carruur yar yar oo ku dhashay gudaha Laascaanood sid ay sheegeen goob-joogayaal kala duwan, Wararka ayaa sheegaya in dadka qaarkood jir-dil loo gaystay islamarkaana la weydiiyay su’aalo ku saabsan Kooxda argagixisada Shabaabka ka hor inta aan la musaafurin.