Diyaarada Egypt Air oo Dhawasn ka Bilaabeysa Duulimaad Garoonka Mogadishu..

Africa News Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Wafdi ka socda Hey’adda Duulista iyo Hawada ee Dalka Masar oo safar shaqo ku yimid Magaalada Mogadishu ayaa la kulmay Maareeyaha Hey’adda Duulista iyo Hawada ee Somalia Mr.Axmed Macallin waxeyna ka wada hadleen sidii duulimaad toos ay uga bilaabi laheyd Mogadishu Egypt Air..

Wararka ayaa sheegay in Egypt Air ay qorsheysay Duulimaad Mogadishu Qaahira, iyagoo sidoo kale kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Xafiisyada Hey’adda Duulista iyo Hawada ee Somalia (SCAA) iyo Garoonka Diyaaradaha qeybihiisa kala duwan, Safarkaan ayaa ujeedadiisu tahay qorshe hordhac ah oo lagu diyaarinaayo Duulimaadyada Egypt Air.

Iyadoo Shirkadaha Egypt Air ay ku biireyso Shirkada Saudi Airlines oo sidaan oo kale todobaadyo ka hor Wafdi kormeer u soo dirsatay Magaalada Mogadishu si ay qiimeyn ugu sameeyaan Xaalada Garoonka, Labada Diyaaradood ayaa la filayaa iney bilaabaan ka hor dhamaadka sanadkaan duulimaayada, waxeyna noqonayaan Duulimaadyadii 9-aad ee Shirkadaha Diyaaradaha Caalamiga ah ee ka soo dega Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mogadishu.

Iyadoo ay horey u soo degi jireen Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde International Airport Shirkadaha Diyaaradaha Turkish Airlines, Air Djibouti, Qatar Airways, Ethiopian Airlines, Ugandan Air, Kenya Airways, Fly Dubai.

315690cookie-checkDiyaarada Egypt Air oo Dhawasn ka Bilaabeysa Duulimaad Garoonka Mogadishu..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com