Xilka UN-Ka Ee Kenya & Saameynta Dacwada Badda

Africa News Somalia news

Danjiraha Dowladda Kenya ayaa shalay la wareegay Madaxtinnimada Golaha Ammaanka ee Qamarada Midoobay, inkastoo ay tahay xilkaasi mid meerto ah 15-xubnood ee Golahaasi ka kooban yahay, iyadoo durba soo qaban qaabisay afar munaasabado heer sare ah…

Mr.Martin Kimani oo ah Wakiilka Joogtada ah ee Kenya u fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay madaxtinnimada muddada halka bil ah ee Golaha, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu 12-ka iyo 28-ka bishan khudbad ka jeedin doono kulamada sare ee dhismaha nabadda iyo iskaashiga u dhaxeeya QM iyo ururro-goboleedyada.

“Madaxweynuhu wuxuu martigelin doonaa dood furan oo hal ku dhiggeedu yahay; ‘kala duwanaanta, dhismaha dalka iyo baadigoobka nabadda’ taas oo qeyb ka ah ajandaha dhismaha nabadda, sidoo kalena 28-ka October waxaa jiri doonta dood heer sare ah oo ku saabsan iskaashiga u dhaxeeya QM, ururro-goboleedyada iyo ururrada ka sii hooseeya,” ayuu yiri Danjiraha Kimani xilli uu khudbad ka jeedinayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa iyaduna khudbad ka jeedin doonta Golaha Ammaanka 20-ka iyo 21-ka bishan, iyadoo ka hadli doonta arrimaha dagaallada iyo ku lug lahaanshaha haweenka ee nabadda iyo ammaanka.

Muxuu qabtaa Madaxweynaha Golaha Amaanka?

Doorka Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa ka mid ah qabashada shirarka Golaha Ammaanka, ansixinta ajandayaasha (uu soo jeediyo xoghayaha guud), gudoominta shirarka, go’aan ka gaaridda su’aalaha la xiriira siyaasadda iyo ka sii war qabka xasarad walba oo imaan karta.

Madaxtinnimada Kenya ee Golaha Ammaanka ma saameyn kartaa kiiska muranka badda?

Dowladda Kenya ayaa bishii March ee sanadkan isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Somalia ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee ICJ , iyadoo sheegtay in cabashooyinkeeda ay u gudbineyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, inkastoo “ICJ ay tahay goobta saxda ah ee kiiskaasi lagu xallin kara ee ma ahan Midowga Afrika ama Golaha Ammaanka”.

143380cookie-checkXilka UN-Ka Ee Kenya & Saameynta Dacwada Badda