Su’aalo laga Keenay Diyaarad si Joogto ah uu u Kireysto Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka…

Somalia news

Baraha Bulshada gaar ahaan Barta X ayaa dood adag lagu falanqeeyay Diyaarad uu si joogto ah u Kireysto Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Mr.Xamse Cabdi Barre, Diyaaradaan ayaa la tilmaamay inuu iska leeyahay Ganacsade uu soddog u yahay Madazweynaha Dalka Djibouti..

Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradaan oo magaceeda lagu sheegay Ivory-Jet Services tirsegeedu yahay N7-T77 iyo nooceedu Embraer oo fadhigeedu yahay Dalka Djibouti waxaa iska leh Mr.Tommy Tayoro oo qaba Gabadha uu dhalay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle, Ganacsadahaan ayaa oo Waalidkiisu u kala dhasheen Ivory Coast iyo France.

Su’aalaha ayaa laga keenay sababta uu Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka u xushay inuu safarada dibeda u adeegsado Diyaaradaan iyadoo ay Caasimada Mogadishu ay ka howl galaan Diyaarado ay Ganacsato Somali ah hagaan, Kharash badan ayaa la sheegay in lagu kireeyo diyaaradaan si loo naasnuujiyo Ninkaan.

Sikastaba waxaa mugdi ku jirin in Madaxweynaha Dalka Djibouti uu ku milmay siyaasada gudaha ee Somalia tan iyo markii dib loogu doortay Xasan Sheekh, iyadoo ay jiraan tiro mashaariic ah oo ay is dhaafasadeen Madaxda 2-dal kuwaasoo si gaar ah loogu xushay Qoysaska Labada Hogaamiye.

327160cookie-checkSu’aalo laga Keenay Diyaarad si Joogto ah uu u Kireysto Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com