Qaraxyo Miino Oo Lagu Weeraray Guri & Farmaahiye Ku yaal Magaalada Mogadishu…

Somalia news

Shacbiga Magaalada Mogadishu ayaa cabsi iyo welwel xoogan kasoo food saartay Olole Guryo miino ku xiris ah muddo todobaadyo ah si hoose uga wadaan kooxda argagixisada Shababka, iyadoo xalay saqdii dhexe uu qarax xoogan ka dhacay qeybo magaalada ka mid ah si weyna looga maqlay jugta…

Wararka ayaa sheegay in qaraxaan ayaan la sheegay in lagu xiray guri ku yaalla waaxda Kacaan ee degmada Hodan, Dhismahaan ayaa waxaa deganaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda, waxaana lagu xiray miino kaddibna la qarxiyay, iyadoo la sheegay in uusan ka dhalan wax khasaaro nafeed ah, balse qorshuhu ahaa in la doonayay in qaraxa lagu waxyeeleeyo Mas’uulkaan oo xiligaasi la sheegay inuu ka maqnaa guriga.

Ololaha Qaraxa ayaa qayb ka noqonaya tiro falal amaan darro oo muddo todobaadyo ah ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyadoo horey loo qarxiyay Dhismayaal ay Shirkada Hormuud ku leedahay Ceelasha Biyaha iyo Dayniile, Dhisme uu Madaxweynaha ku leeyahay Degmada Cabdulcasiis iyo Farmashiye ku yaal Degmada Yaaqshiid oo dhawaan lagu xiray Kameerada CCTV-ga, kadib amar kasoo baxay Hey’adaha Amaanka.

289670cookie-checkQaraxyo Miino Oo Lagu Weeraray Guri & Farmaahiye Ku yaal Magaalada Mogadishu…