Suuqii Ugu Weynaa Degaanka Ceelasha Biyaha Oo ay Gubeen Kooxda Shababka & Sababta…

Business Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo Dab kiciyay xalay laga maqlay Degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kuwaasoo lala beegsaday Goobaha Ganacsi ee ku yaalla suuqyada Halkaasi, iyadoo Khasaare balaaran u geystay Dabkaasi..

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shabaabka ay toos u beegsatay goobahaasi ganacsi kuna aaseen Walxaha qarxa, kadib markii la sheegay in lagu amray Gadisleyda inay xiraan Caamirooyinka qarsoon ee CC TV, waxaana ka taagan Xaalad kacsanaan ah oo weli ka jirta Ceelasha Biyaha, iyagoo goobtaasi sidoo kale ay ku sugan Ciidamada Amaanka ee Dowladda oo iyaguna baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi.

Laba-Daraadle, dhacdooyinkan is xig-xiga ayaa imaanaya, xili Ceelasha Biyaha iyo Degaanada ku dhow ay maalmahaan howlgallo culus ka wadeen Ciidamada Dowlada Federaalka, iyadoo sidoo kale ay kordheen Qaraxyada iyo beegsiga Dadka Rayidka ah degaanadaasi ku nool.

340890cookie-checkSuuqii Ugu Weynaa Degaanka Ceelasha Biyaha Oo ay Gubeen Kooxda Shababka & Sababta…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *