Dowladda Federaalka oo Dib u Dhigtay Imtixaanka Shahaadiga ee B/Weyne..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka Mr.Xamza Cabdi uu sheegay in dib loo dhigay Imtixaanka shahaadiga ah ee Ardayda Dugsiyada Magaalada Beledweyne sababo la xiriira barakaca ka dhashay fatahaadda uu sameeyey Webiga Shabeele…

Mr.Barre ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu shaaciyey natiijada Macallimiintii u tartamaayey shaqada ay soo bandhigtay Wasaaradda Waxbarashada, Waxaa uu sheegay in magaalada Baladweyne ay ka jirto xaalad bani aadamnimo oo aan saamexeynin in laga qabto imtixaanka shahaadiga ah ka dib markii ay fatahaada webiga ka qaxeen kumanaan qoys.

“Ardayda Dugsiyada Baladweyne waxaa loo diyaarin doonaa imitixaan gaar ah oo ay geli doonaan marka ugu horeysa ee suuragal noqoto, Wasaaradaha Waxbarashada heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ayaana  arrintaas ka wada shaqeyn doona” ayuu yiri Xamse, iyadoo 27ka bishan May ayaa lagu wadaa inuu qeeybo ka mid ah dalka ka bilowdo imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare sida ay horey u shaacisay Wasaarada Waxbarashada.

256790cookie-checkDowladda Federaalka oo Dib u Dhigtay Imtixaanka Shahaadiga ee B/Weyne..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com