Suuqyada Somalia oo laga dareemay Saameynta Coolada Russia Vs Ukraine

Somalia news

Dirirta ka aloosan dalka Ukraine ee dadka badan galaafanaaya ayaa saameyn xoogan ku yeeshay sicirka dalagyada Qamadiga & Galeyda ee guud ahaan Aduunka gaar ahaan Somalia oo xiligaan la tacaaleysa Abaaro & Biyo la’aan…

Hoos u dhaca Ganacsiga Sareenka iyo Galeyda wuxuu saameyn xoogan ku yeelan doonaa Abaarta maadama ay cuntadaan inta badan laga soo dhoofiyo dalalka Russia & Ukraine sida uu xaqiijiyay Prof.Kabire oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Gudaha & Dhaqaalaha.

“Laga soo bilaabo qiimaha badeecadaha dibeda laga keeno oo ay ku jiraan Shidaalka, waxey shacbiga Soomaaliyeed dareemi doonaan saameynta Colaadaasi & iyo Khilaafka u dhaxeeya Russia & Reer Galbeedka, inkastoo Somalia ay Qamadiga 80% ka soo dhoofsato dalka Egypt oo isna ka soo qaata Russia, waxaan kaloo Russia ay soo saartaa Daawada Bacrinta Beeraha.

Sababta kale oo suurto galka ah carqaladeynta silsilada Saadka ayaa ah in Saami ka badan 15% ay shaqaalaha Maraakiibta badeecadaha qaada ay ka soo jeedaan Russia & Ukraine, taasoo la macno ah iney jiri doonto dhibaatada qeybinta shixnadaha, hadii dagaalka 19-ka maalmood jirsaday uu sii socdo 3-bilood ee soo socota.

175040cookie-checkSuuqyada Somalia oo laga dareemay Saameynta Coolada Russia Vs Ukraine