Ciidamada Amaanka B/weyne oo Xiray Odayaal Heshiis la soo galay Kooxda Argagixisada

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay iska kaashadeen Boliiska iyo NISA oo lagu soo qabtay 6-xubnood oo Odayaal Dhaqmeed heshiis la soo galay kooxda Argagixisada Shababka isla markaasna ay kooxdu sheegay iney dhowrayaan Heshiiska..

Wararka ayaa sheegay in Odayaashaan oo ka soo kala jeeda Jufooyinka Yabar Madaxweyne kuwaas oo kala ah:-

-Maxamuud Yabar. 

-Aadan Yabar. 

-Xuseen Yabar. 

-Baana Yabar.

-Iidle Yabar. 

Kooxda Argagixisada ayaa horey u baafisay iney heshiis la gaareen Jufooyinka Yabar Dige iyo Cabdalla Samatalis ee Xawaadle, Maamulka Xasan Sheekh ayaa horey u xiray Odayaal heshiis noocaan oo kale ah la galay Kooxda Shababka.

240150cookie-checkCiidamada Amaanka B/weyne oo Xiray Odayaal Heshiis la soo galay Kooxda Argagixisada