Taliyaha Ciidamada Dowladda Oo Gaaray Kismaayo

Somalia news

Wararka hordhaca ah ayaa laga helayaa Wafdi uu Hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen Odowa Yuusuf Raage ayaa safar shaqo ku tagay magaalada kismaayo ee xarunta kumeel Gaadhka u ah Dowlad goboleedka Jubbaland, markii ugu horeysay mudooyinkii bilooyin ah..

Wafdigaan Waxana garoonka kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin uu horkacayo Wasiirka Wasaarada Amniga Dowlad goboleedka jubbaland Gen Yusuf Cusman Dhumaal iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, Soo dhoweynta kadib ayaa waxa waftiga Taliyaha loo galbiyey Aqalka Madaxtooyada Jubbaland halkaa oo uu ku qaabilay Madaxwaynaha dowlad Goboleedka jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

144130cookie-checkTaliyaha Ciidamada Dowladda Oo Gaaray Kismaayo