Tuhuno & Su’aalo Ka Dhashay Sarkaal Masri ah Oo Furumaha Dagaalka Lagu Arkay..

Somalia news

Baraha Bulshada ayaa la sheegay in Saacadihii ugu dambeeyay dood adag laga keenay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Egypt oo lagu dhex arkay isagoo la socda Kolonyo uu hogaaminaayay Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka, kaasoo kormeer ku tagay Jiida hore ee Degaano ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe…

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Kolonyada Taliyaha Ciidamada ay kormeer ku tageen Garoon diyaaradeed (kuwa Drones-ka) dhawaan laga hirgeliyay duleedka degaanka Wargaadhi oo hoos taga Gobolka Shabeelada dhexe, Sarkaalkaan ayaa la shaqeeya Howlgalka Ciidamada ATMIS, kaasoo waajibaadkiisu yahay inuu kor joogo wareejinta Degaanada ay Amaankoodu hayaan Ciidamada ATMIS oo Bilowga Sanadka soo socda dib loo bilaabi doono howlaha wareejinta.

Dalka Egpyt ayaan kamid aheyn Dalalka Ciidamadu ka joogaan tan iyo sanadkii 2007-dii, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyay in Diwladda Masar tan iyo markii loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh ay quudareyneysa iney Saameyn galaagal ku yeeshaan Wasaarada Gaashandhigga, Wasaaradaha Ganacsiga & Waxbarashada.

Maamulka Qaahir ayaa fursad u aragta iney Saameyn ku yeeshaan Maamulka Kooxda Demu jadiid, waxaana la rumeysan yahay ineyvka baaraan dageyso dib u soo nooleynta dagaalka kala dhexeeyo Dalka Ethiopia ee biyo-xireenka Nile-ka, ayna maalgelineyso Dalka China iyo maalqabeeno reer Galbeed ah + UAE.

292790cookie-checkTuhuno & Su’aalo Ka Dhashay Sarkaal Masri ah Oo Furumaha Dagaalka Lagu Arkay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com