Xoogaga Amaanka Baydhabo Oo Xabsiga Dhigay Musharax Xildhibaan

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Xoogag ka amar qaata Madaxweynaha K/ Galbeed Somalia ayaa xalay hoteel ku yaala magaalada Baydhabo kala baxay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Mr.C/rashiid Cabdullaahi oo ka soo jeeda degaanka..

Wararka ayaa sheegay in Mr.Cabdirashiid oo ka soo jeeda degaanka Berdaale, uu shalay gaaray magaalada Beydhabo, isagoo degay Hotel ku yaal bartamaha magaalada, waxaana u qorsheysnaa inuu ka mid noqdo Musharixiinta u tartameysa Kursiga Hop#197 ee Xildhibaanimada Baarlamaanka Federaalka.

Mr.Cabdurashiid oo sheegay in la siidaayay kadib markii muddi gaaban la xayiray, isagoo sidoo kale qaraabo la’ah Sheekh Mukhtaar Roobow oo u xiran Farmaajo, Xubno ka hadlay Xariga Mr.Csbdirashiid ayaa sheegay in lagu xiray isagoo horey u dhowr jeer dhaliilo u soo jeediyay Maamulka Lafta gareen.

Dhanka Kale, Hay’adaha amaanka ayaa baaris ku bilaabay qarax noociisa lagu sheegay miino oo ku qarxay albaabka hore ee hoyga Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-Goboleedka oo ku yaalla Magaalada Baydhabo.

Qaraxa ayaa sababay burbur soo gaaray qayb kamid ah dhismaha guriga balse lama sheegin waxyeello gaartay ilaalada Wasiir Maxamed Abuukar Cabdi iyo xubnaha qoyskiisa oo ku sugnaa guriga sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

165890cookie-checkXoogaga Amaanka Baydhabo Oo Xabsiga Dhigay Musharax Xildhibaan