Taliyihii Ururka Danab Oo U Xiran Farmaajo

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya in Xabsi ku yaal gudaha xarunta Wasaarada Gaashaandhiga uu mudo bil ku dhawaad ah ku xiran yahay Madaxii Ururka Ciidamada Danab Gaashaale Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin…

Taliyihii ciidamada Danab ayaana kahor inta aan xabsiga la dhigin lagu sameeyay shaqo joojin, waxaana xiligaasi wixii ka dambeeyay lagu xabisay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga uu ku xiran yahay mudo ku dhaw bil.

Sida aan xogta ku helnay Sarkaalka ayaa sababta shaqo joojinta loogu sameeyay loona xiray loo sababeeyay dhaqaale iyo hub la Mayan Jed ka Ciidanka iyo inuu qaraabo dhaw yihiin Ra’isul Wasaarihii hore Mr.Xasan Cali Kheyre uuna sidoo kale mar usoo noqday Madaxa ilaalada Ra’isul Wasaaraha.

Dadkii aad ugu dhawaa una badan kuwa ku heybta Ra’isul wasaarihii hore ayaa laga soo eryay inta badan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxaa sidoo kale xilal ka qaadis hada wajahaya xubno kale oo aad ugu dhawaa Kheyre.

Amar kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhawaan xilalka looga qaaday saraakiil iyo taliyaal katirsan Ciidamada Dowladda kuwaasoo looga shakiyay in aysan daacad u aheyn Villa Soomaaliya qabiil ahaana kasoo jeedaan beesha Murusade.

64200cookie-checkTaliyihii Ururka Danab Oo U Xiran Farmaajo