Digniino Loo Jeediyay Saraakiisha Ciidamada

Somalia news

Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa horay u ahaa mid ceeb ka ah in dhuuni (Dhaqaale) la isku adeegsado balse xiligaan adag ayaa dowladnimada casriga ah badashay dhaqankii lagu dhowri jiray maatida & xigtada, Maanta Dalka Somalia waxey wajaheysaa waayo colaadeed iyadoo gacmaha ciidamada Qaranka loo adeegsanaayo gumaad shacab & ku tumaahada Shuruucda Dalka….

Saraakiisha Ciidamadaan hogaamisa ayaa noqday kuwo si fudud loo adeegsan karo iyadoo laga faa’ideysanaayo baahidooda, loona diro howlgalo sharciga ka baxsan, ma dhowraan shacab mana ku dhaqmaan shuruucda Bulshada ku heshiisay waxey ku dadaalan qancinta Hoggaanka dalka iyagoo ilaashanaaya gunooyinka iyo Canshuurta laga soo qaado Bulshada.

Saraakiisha iyo Ciidamadaan ayaa lasaadalinayaa markii lagu fushado danta laga leeyahay oo eedo la geliyo ayaa suuqa lagu soo deyn doonaa. Bal Dib u fiiro Ciidamada Boliiska Dableyda Madaxtooyada oo u badan Dhalinyaro degaanka ah Ayaa Todobaadkaan Shaqada laga joojiyay intii uu socday Kulankii Baarlamaanka Ee gudaha Madaxtooyada waxaana lagu bedelay Ciidamo laga keenay Gobolada Gedo, Sool iyo Degmada Cadaado.

Saraakiishaan Ciidamadaan madaxda u ah oo kala ah kala ah Odawaa Oo Ku magacaaban Taliyaha Ciidamada Saadiq John oo Madax ka ah Boliiska Gobolka, Farxaan Qaroole oo Madax ka ah Haramcad ayaa lagu Eedeeyay iney Dambiyo xasuuq, dilal qorsheysan iyo afduub ka geystaan Magaalada Mogadishu, iyagoo qancinaaya Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, waxaana si hoose loo wadaa diiwaan gelin Dembiyada ay ka galayaan Shacbiga Soomaaliyeed.

Waxaa fursado heysta Saraakiisha Ciidamada oo ee wali ku calaamadeesneen dembiyo dagaal ama wali aan faraha lagalin howlaha sharci darada ay hoggaaminayaan Agaasimaha NISA & Madaxweynihii hore Farmaajo, iney ka fogaadaan dhagaraha ay maleegayaan.

107180cookie-checkDigniino Loo Jeediyay Saraakiisha Ciidamada