GABDHO BEENIYEY WAR UU WARGEYS LONDON KA SOO BAXA QORAY 

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Wargeys maalinle ah oo ka soo baxa London oo 25 Agoosto qoray warbixin ku saabsan saameynta abaartu ku yeelatay Geeska Afrika gaar haweenka Soomaalida, iyadoo warbixintaasi been abuurka ah ay si caro leh uga jawaab celiyeen…

Warkaan oo uu qoray Wariye ka tirsan wargeyska oo booqday magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo abaar ba’an ay saameysay reer guuraaga Maqaalka, oo inta badan ku salaysan fikradaha Save the Children qeybtiisa Bariga Afrika, ayuu bixinta yaradka ku tilmaamay hab “haweenka xoolo lagu dhaafsado”.

Xogta warbixinta wargeysku oo been abuur ku salaysan tahay badankeed ayaa waxaa bixiyay mid ka mid ah shaqaale Bariga Afrika ugu shaqeeya Save the Children iyo Action Aid.

Mid ka mid ah gabdhaha wariyuhu ku waraystay Togdheer ayaa sheegtay in iyadoo xaamilo ah aysan maalin dhan wax cunin wax la’aan awgeed. “Gabdhaba waxaa lagu qasbaa inay jirkooda ka iibiyaan rag leh goob (Ceelal ama berkado) biyaha laga dhaansado” ayuu wargeysku qoray.

Gabdhaha la waraystay ayaa Hargeysa ugu warramay wariye madaxbannaan, Waxay sheegeen in hay’ad biyo dhaaminaysay ay sawiro ka qaadday iyaga iyo in saraakiil maamulka Somaliland ka tirsan la socdeen hay’adda, Warbixinta wargeysku waxay kale oo sheegtay in gabdho badan ay seegaan waxbarashada iyagoo da’yar lagu guursaday awgeed.

210800cookie-checkGABDHO BEENIYEY WAR UU WARGEYS LONDON KA SOO BAXA QORAY 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com