Tiro Culimo ah oo lagu dilay Degaan hoos taga Degaanka Warshiikh & Sababta..

Domestic News Security Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanka Warshiikh oo ka tirsan Gobolka Shabeelda Dhexe ayaa sheegaya Dabley qaab beel u abaabulan ay dil bareer ah u geysteen tiro Culumaa’udiin quraan saar u joogtay degaankaasi, talaabadaani oo aad looga naxay isla markaasna Dowlada Federaalka iyo Maamulka Fashilka loogu baaqay iney wax ka qabtaan…

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan tiro 4-ka mid ah Culumaa’udiinka lagu dilay weerarkaasi gaadmada ah halka 4-kalana uu dhaawac soo gaaray uu ku jiro canug yar oo lana soo gaarsiiyay Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho, Dhibanayaasha lagu bartilmaameedsaday heybtooda isla markaasna ay goobta ka baxaadeen Gacan ku dhiiglayaasha falka geystay.

Degaanka dhacdadaan ay ka dhacday ayaa lagu magacaaba Xaloole oo ka tirsan Degaanka Warshiikh waxaana weerarkaan uu argagax ku beeray shacabka degaanka oo si weyn uga walaacsan weerarka noocaani ah ee culumaa’udiin lagu bartilmaamaysaday.

Sanadkii 2022ka dhamaadkeedi, degaankaan waxaa ka dhacay fal noocaani oo kale ah oo dad kasoo jeeda hal qoys lagu bartilmaameysaday iyadoo loo aaneeyay weerarkaasi mid u abaabulnaa aano Qabiil, waxaana inta badan Shabeellaha Dhexe ka jira weerarada aanooyinka qabiil oo sanadihii dambe si weyn looga soo wariyay.

376450cookie-checkTiro Culimo ah oo lagu dilay Degaan hoos taga Degaanka Warshiikh & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *