Heshiis Laga Gaaray Kulankii Teendhada Afisioni

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulankii 4-ta Maalmood k socday Teendhada Afisioni, iyadoo la sheegay in is-afgarad hordhac ah laga gaaray qodobadii la isku hayay, waxaana lagu wadaa in Maalinta Khamiista lagu saxiixi doono Teendhada..

Heshiiskaan ayaa la sheegay inuu saldhigg u yahay Heshiiskii 17-Sep iyo kii farsamadii Baydhabo. Qodobada la isku afgartay.

-Arinta Gobolada Waqooyi waxaa layskaga afgartay in si siman loo qaybsado Lix iyo Lix,gudoomintana uu yeesho Cabdixaashi laguna qabto doorashada Xildhibaanadooda Teendhada Xalane.

-Arinta Gudiyada Doorashada waxaa lagu heshiiyay in dib loogu laabto heer walba ay yihiin lagana saaro Xubnaha la diidan yahay, sidoo kalena la dhiso Gudi khuburo ah.

Qodobada dib loo dhigay:-

– Arrimaha Gobolka Gedo.

-Arrimaha Doorashada Hir-shabelle gaar ahaan B/Weyne

– Arrimaha Amaanka.

Heshiiskaan waa hordhac oo lagu bilaabayo doorashada Aqalka-sare, iyadoo Aqalka-hoose dib looga kulmi doono ka hor bilaabista doorashadiisa.

Is afgaradkan yuu guul u yahay

-Shacabka Soomaaliyeed.

-Rooble Saciid Dani Iyo Axmed Madoobe

-Wakiilada Beesha Caalamka.

Is afgaradkan yuu dhabar jab ku yahay

-Farmaajo.

-Fahad

-Taageerayaashiisa.

Erayga ah Caanka noqday intii Kulanka socday Rooble laga yeelay wixii laga diiday Farmaajo.

Waa dhab oo waa loo tanaasulay Rooble, waxaana la diiday in iyadoon heshiis la gaarin Xamar laga tago,iyadoo taa laga duulayana,waxay Pl iyo Jl aqbaleen is afgarad doorashadu ku bilaabato, Maanta waxaa laga farxiyay Umada Somaliyed iyo Beesha caalamka la garab taagan taageerada hagar la’aanta ah, Nin walbow Kursigaaga soo qaado.

120940cookie-checkHeshiis Laga Gaaray Kulankii Teendhada Afisioni