Xogaha ku Gedaaman Safarada Madaxweynaha Puntland ee 4-Dal uu soo Maray

Somalia news

Shacbiga Puntland ayaa amakaag iyo anfariid ka qaaday Safarada dhaqaalaha badan ku baxa ee Madaxweynaha Puntland uu ku kala bixiyo Dalalka UAE, Zambiya Kenya iyo Ethiopia, xilli uu khilaaf hareeyay Doorashada lagu wado in dhowaan la qabto..

Wararka ayaa sheegay in Mr.Deni lagu wado inuu maanta dib ugu soo laabto xarunta Puntland ee Garoowe, kadib todobaadyo uu ku maqnaa safaro dibeda ah, xogaha ayaa muujinayo in Mr.Deni uu safar ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Ethiopia si uu taageero dhaqaale iyo hub uga helo, balse lama oga inay u hagaagtay.

Soo laabashada Mr.Deni ee degaannada Puntland ayaa kusoo aadaysa xilli intii uu dalka ka maqnaa, ay xiisado kala duwan ka dhaceen, sidoo kale xaalad kacsanaan ah ay ka jiro Xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso oo la filayo inuu isla maanta ugu sii gudbo, waxaana la filayaa inuu berito uu soo gaaro Xasan Sheekh Magaalada Boosaaso.

228250cookie-checkXogaha ku Gedaaman Safarada Madaxweynaha Puntland ee 4-Dal uu soo Maray