Turkiga Oo Dhexdhexaadinaaya Farmaajo & Uhuruu

Africa News

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa safar uu todobaadkaan ku tegi doono Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga Madaxweynaha muddada ka dhamaatay (Farmaajo), iyadoo uh ka qeyb geli doono Shir loogu magac daray “Kulanka Africa iyo Turkiga”…

Kulankaan ayaa lagu casumay Madaxda Dowladaha Qaarada Africa, waxaana looga doodi doonaa Horumarinta dhaqaalaha iyo Siyaasada Maalgashiga, iyadoo Dowladda Turkiga ay xiligaan dhaqaale xumi iyo Qiimo dhac Ku habsaday Liraha Turkiga, Ayaan la ogeyn Sida ay Dalalka Qaarada u maalgashan karto, Dalalka ay joogto ayaa qeylo dhaan ka keeneen hab-dhaqan xun iyo boobka kheyraadka.

Wararka ayaa sheegay in Kulankaan la qaban doono 17-ka December, wuxuuna socon doonaa 2-3 maalmood, inta uu uu socdo ayaa la sheegay in Turkiga uu qabanqaabin doono kulan doceedyo la isku soo hor fariisin doono Farmaajo iyo Uhuruu, waxaana Dalbaday Farmaajo.

155670cookie-checkTurkiga Oo Dhexdhexaadinaaya Farmaajo & Uhuruu