Dab Khasaare Geystay Oo Xalay Ka Dhacay Xaafada Embakasi ee Nairobi…

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dab xoogan oo ka dhashay Qarax uu sababay gaaska Raashinka lagu karsado oo ka dhacay magaalada Nairobi, Qaraxaan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawacyo kala heer ah…

Wararka ayaa sheegaya in Dabkaan uu ka dhacay Mradi area ee Xaafada Embakasi ee Magaalada Nairobi, iyadoo ilaa hadda Dhimashada ay gaareyso 3-Qof dhaawacana uu kor u dhaafaayo 220-qof kuwaasoo la kala geeyay Isbitaalada Kenyatta National Hospital (160), Mama Lucy Kibaki Hosbital (19), Mbagathi Hosbital (14), Nairobi West Hosbital (8), Dabka ayaa bilaawday xalay abaarihii 11,30 pm.

Dabka ayaa ka sheegay inuu dambad ka shigau Gadiid, Dukaano yaryar iyo Xarumo ganacsi, wuxuuna ku fiday Dhismayaasha Dadka Rayidka degan yihiin, iyadoo uu khasaaraha sii kordhiyay, Boliiska iyo Dab-demiska ayaa ku howlan sidii loo ogaan lahaa sababta keentay khasaaraha Gas qarxay.

305710cookie-checkDab Khasaare Geystay Oo Xalay Ka Dhacay Xaafada Embakasi ee Nairobi…