Dagaal Beeleed Lagu Hoobtay Oo ka Dhacay Dalka Ethiopia

Africa News

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal beeleed lagu hoobtay oo dhex maray Maleeshiyaadka Beelaha Amxaarada iyo Oromada Dalka Ethiopia, sida ay sheegeen Goobjoogayaal dhowr iyo 30-Qof ayaa lagu dilay Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan..

Dirirtaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay magaalada Jewuhu oo ka tirsan Gobolka Amxaarada, iyadoo Makeeshiyaad ka tirsan Kuwa Oromada ay weerar toos ah ku qaadeen Fariisimo ay leeyihiin Xoogaga Amxaarada ayna ku dileen 20- ka tirsan Xoogagaasi iyo 10- Qof oo Rayidka ah.

Qowmiyadahaan (Amxaarada & Oromada) ayaa ah kuwa ugu tirada badan Dalka Ethiopia, waxaana muddo dheer ka dhaxeeyay loolan adag oo salka ku haya awood qeybsiga Maamulka, iyadoo labada Qowmiyadood uu dagaalkoodu joogto noqday, Maamulka Abiy ayaa u muuqda inuu ku fashilmay deminta Colaadaan.

Dhanka kale Dowladda Ethiopia ayaa ka soo iibsatay Dalka China 32 Madaaficda nooca (howitzers, 155 mm SH15 wheeled, self-propelled), waxaana lagu soo bandhigay Fariisinka Ciidamada ee Harar Meda Air Base, waxaana soo saarta Shirkadda Norinco, Madfacaan ayaa ridadiisu dhan tahay 50-Km.

239290cookie-checkDagaal Beeleed Lagu Hoobtay Oo ka Dhacay Dalka Ethiopia