Turkiga Oo Gogol Nabadeed oo Wada hadal u Fidiyay Somalia & Ethiopia..

Africa News Somalia news

Ilo wareedyo diblomaasiyayeed ayaa daaha ka rogaaya in Dowladaha Ethiopia iyo Somalia ay aqbaleen Gogol Nabadeed oo wada hadal oo ay fidisay Dowlada Turkiga si heshiis looga gaaro khilaafka ka dhashay is-Afgaradkii Maamulka Abiy la galay Somaliland..

Dhaqdhaqaaqan ayaa soo baxaaya iyadoo Maamulka Addis abeba ay beeniyeen Qoraal la sheegay inuu ka soo baxay Xafiiska Wasiirka 1-aad ee Ethiopia, kaasoo lagu sheegay iney ka laabteen heshiiskii is-Afgaradka ahaa ee la galeen Maamulka Waqooyiga Somalia, Saraakiisha Xafiiska Abiy waxeyna ka digeen in laga digtoonaado wararka been abuurka ah, inkastoo ay Saraakisha Ethiopia ay qeyb ka yihiin in wararka been abuurka ah oo ay faafiyeen kuna aadan iney 26-ka ama 1-da Luuliyo Aqoonsan doono Somaliland.

Si kastaba, Oggolaashaha dhinacyadaan ee gogosha Nabadeed ayaa hoos u dhigaaya xasaradaha Siyaasadeed, mid colaadeed ee soi jireenka ah iyo welwelka dhanka Amaanka ee cirka isku shareeray tan iyo biliwgii Sanadkaan, ayaa laga filan karaa in heshiis laga gaaro, iyadoo ay Dadaalo daaha gadaashiisa ka wadasn Dowladaha Qatar iyo Turkiga.

333570cookie-checkTurkiga Oo Gogol Nabadeed oo Wada hadal u Fidiyay Somalia & Ethiopia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *