Ma Dhabaa In Kulan Qarsoodi Ah Uu Ka Dhacay Addis Abeba

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Shir qarsoodi ah oo ay ku wada yeesheen Magaalada Addis abeba Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladaha Somalia, Ethiopia, Eritrea iyo Qatar, waxaana looga dooday Dhalinyarada ku xaniban 3-xero oo ku yaal Dalka Eritrea oo Tababaro lagu siiyay..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in 5000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo laba sano kahor tababar loogu qaaday dalka Eritrea ayaa u muuqata iney ka soo baxaayaan warar cusub oo waalidiinta iyo ehelada ay ka maqanyihiin ka war dhowrayaan.

Kulankaan ayaa la sheegay inuu qorshuhu ahaa inuu ka dhaco Magaalada Asmara, iyadoo Dowladda muddo dhamaatay ay wakiil uga ahaayeen Farmaajo, Fahad iyo Cabdullaahi dheere Oo NISA ka tirsan, balse loo baajiyay cilado farsamo markii Warbaahinta lagu faafiyay Safarka Farmaajo ee Eritrea, Qatar ayaa balanqaday iney bixiso dhaqaalaha rahan ahaanta loogu heysto Dhalinyaradaan.

Kulankaasi ka dhacay Addis abeba ee looga hadlay arinta askarta ku maqan Eritrea ayaa ku soo aadeysa xilli uu dalka ku jiro jahwareer siyaasadeed oo sameeyay Hey’adda NISA tan markii uu soo shaac baxay kiiska Ikraan Tahliil, iyadoo Farmaajo iyo Fahad ay diideen iney Cadaalad helaan Ehelada Sarkaalada la Dilay.

144650cookie-checkMa Dhabaa In Kulan Qarsoodi Ah Uu Ka Dhacay Addis Abeba