Dib u dhac ku Yimid Shir ka furmi lahaa Magaalada Jigjiga

Africa News Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dib u dhac ku yimid Shir ballaaran oo lagu waday inuu shalay ka furmo magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, kadib markii arrimo is biirsaday ay Qabanqaabiyayaasha ku qasbeen iney dib u dhigaan…

Wararka ayaa sheegay in ujeedka shirka oo horay loo shaaciyay ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid wax la iskaga weydiinayo arrimo khuseeya mabaadi’da guud ee Dowlad degaanka iyo weliba xaaladaha siyaasadeed ee ka jira Dalkaasi, baaqashada shirka ayaa lagu sababeeyay tabashooyin kala duwan oo ka yimid Xisbiyada Siyaasadda iyo Qurbe-joogtii Degaanka ee ka qaybgeli lahayd shirka.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Ururka ONLF oo kamid ah Xisbiyada Siyaaasadda ee ugu tunka weyn Ismaamulka Soomaalida uu ku dhawaaqay in aanu ka qeyb galaynin shirka ka furmaya Jigjiga, waxeyna qaadacaadoodu ku sababeeyeen mid ku qotoma geeddi socodkii shirka oo la marin habaabiyay, iyagoo ku eedeeyay Maamulka Cagjar oo isku koobay diyaarinta iyo Ajandayaasha Shirka looga hadlaayo.

215260cookie-checkDib u dhac ku Yimid Shir ka furmi lahaa Magaalada Jigjiga
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com