Turkiga oo Ku Xoojisay 5-Diyaaradood oo Kuwa Dagaalka Ciidamada Somalia..

Security Somalia news

Dowladda Turkiga ayaa xoojisay taageerada dhanka difaaca Cirka ee ay Ciidamada Somalia ka siiso dagaalka ay kula jirto kooxda Argagixisada Shabaabka todobaadkan, kadib markii shixnadahaan ay soo daabuleen 6-Diyaaradood oo kuwa xamuulka Ciidamada Turkiga ee A-400M iyo C-17A ee Dalka Qadar..

Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradahaan oo noocoodu yihiin 3-Attack Helicopters (T129) iyo 2-kuwa Qumaatiga u kac ee Ciidamada Badda Somalia loogu tala galay, Deeqdaan oo qeyb ka ah  heshiis dhanka difaaca ah oo ay kala saxiixdeen labada dowladood bishii February 2024-kii, kaas oo dhigaayay in xukuumadda Ankara ay Soomaaliya ka taageereyso tababarka iyo soo saarida ciidamo awood badan oo kuwa badda Somalia.

Turkiga ayaa sanadkii la soo dhaafay waxa uu tababarayay dhowr duuliye oo Soomaali ah si ay ugu howlgalaan Diyaaradaha helicopter-ka ee Atak, Diyaaradahan Helicopters-ka ah ee la keenay Muqdisho ayaa ka dambeeysay ka dib markii Duuliyayaashu ay dhameysteen heerkii ugu dambeeyay ee tababarka.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Dowlada Turkiga ay xoojisay joogitaankeeda Caasimada Mogadishu, iyagoo laba jibaaray Ciidamada ka jooga Somalia haatan ay kor u dhaafayaan qiyaastii 700-Askari, Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa sheegay in taageerada Turkiga ee Soomaaliya ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada ay sii socon doonto, lana sii ballaarin doono, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Turkiga.

375450cookie-checkTurkiga oo Ku Xoojisay 5-Diyaaradood oo Kuwa Dagaalka Ciidamada Somalia..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *