Ma Dhabaa in Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada uu Laba Garab u Kala Jabay..

Somalia news

Iyadoo Jiritaanka Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada Puntland uu maalin ka harsan yahay, ayaa la sheegaya inuu dhexdooda khilaaf ka dhex qarxay, waxeyna qarka u saaran yihiin iney laba garab u kala jabaan, iyadoo Khilaafkaan uu keenay Amarkii Mr.Deni ee ahaa in 66-Xildhibaan la soo xulo…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ayaa maanta ku muransan yihiin fulinta amarkii uu xalay siiyay Saciid Deni ee ahaa in aysan dheg jalaq u siin talooyinkii Isimada Dhaqanka ee ahaa in 49-Xildhibaan la soo xulo.

Waxeyna ku kala qeybsameen Aragtida la qaadanaayo, iyadoo Xalay Saq dhexe uu Deni la kulmay Amar ku siiyay in aan la dhageysan Talooyinka Odayaasha, Dhanka kale Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa taageeray Baaqa Odayaasha Dhaqanka wuxuuna sheegay in 40-Xildhibaan la soo xulo.

297170cookie-checkMa Dhabaa in Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada uu Laba Garab u Kala Jabay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com