Fariimo Lagu Joojiyay Kulankii Baarlamaanka

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Safar uu dib ugu soo laaban lahaa Magaalada Mogadishu Mr.Farmaajo, isagoo marmarsiinyo ka dhiganaaya Kulanka 2-labada Aqal oo ku yeelan lahaa Magaalada Mogadishu…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Danjirayaasha Mareykanka, UK iyo Wakiilka UN-ka Ee Somalia ayaa cadaadis ku saaray Mr.Inuusan ka soo tegin Magaalada Dhuusa mareeb, iyadoo aan go’aan iyo heshiis laga gaarin Doorashada iyo Jadwalkeeda.

Sidoo Kale, Safiiradaan ayaa xiriir la sameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal. Iyagoo ku wargeliyay inuu joojiyo carqaladeynta uu ku hayo Shirka Dhuusa mareeb isla markaasna si deg deg ah u hakiyo Kulanka uu isugu yeeray Ex. Xildhibaanadii hore, iyadoo looga hadli lahaa muddo kororsi Hal sano ah.

Fariimahaan Saaxiibada Somalia ayaa u muuqanaaya kuwo hirgalay, iyadoo la sheegay in Shirka Dhuusa mareeb uu galay marxaladii ugu dambeysay, waxaana laga filayaa inuu ka soo baxo Go’aano horseeda in Doorasho dadban ay Dalka ka dhacdo.

92330cookie-checkFariimo Lagu Joojiyay Kulankii Baarlamaanka