Turkiga Oo Kulansiinaaya Farmaajo Iyo Uhuruu

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Muddo xileedkiisu dhamaaday Mr.Farmaajo ayaa la filayaa todobaadkan inuu u ambabaxo dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Antalya oo uu kaga qeyb galayo Madasha Diblomaasiyada Antalya…

Wararka ayaa sheegaya Inkastoo shirkaan uu yahay mid heer Wasiir Arrimo dibadeed iyo Madax ka socota Ururo dowli ah iyo kuwa aan dowli aheyn, hadana Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah martida ku casuuman shirkaas, ilo wareedkaan ayaa intaasi raacisay in laga yaabo in Antalya uu isna tagi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, lana filayo inay is arkaan isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

Dalka Qatar, Turkiga iyo qaar ka mid ah wadamada Gobolka ayaa dadaal badan geliyay sidii xiriirka labada dal Kenya iyo Somalia loo soo celin lahaa, sidoo kale waxaa jiray fursado la rabay in Uhuru iyo Farmaajo lagu kulansiiyo, balse ay suura geli weyday, waxaase la ogeyn fursada hadda ka soo baxday Madasha Diblomaasiga Antalya ka furmi doono inuu noqon doono kii labada Madaxweyne ku kulmi lahaayeen, waxaase shaki weyn ka jiraa inuu Qanadaraaska Qaadka Ee Farmaajo Walaalkiis uu mar kale dhib ku noqon dadaalada Dalalkaan.

124780cookie-checkTurkiga Oo Kulansiinaaya Farmaajo Iyo Uhuruu