Maleeshiyaadka Shababka Oo Dhaqdhaqaaqyo Ka Bilaabay Xuduuda Gobolka Hiiraan

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano ku teedsan xuduuda Ethiopia ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhaqdhaqaayo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shabaabka laga dareemay degaanadaasi, kadib markii habeenimadii xalay Dowlad degaanku ku dhawaaqday in la soo af jaray howlgalkii gobolka Afdheer…

Ilo wareedyo degaankaasi ah ayaa sheegay in Horjoogayaasha Kooxda Shababka ay xalay Hawada ka saareen Isgaarsiintii degaaanada ku teedsan Xadka Gobolka Hiiraan, iyadoo la soo wariyay in Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shabaabka lagu arkay degaanno waqooyi ka sii xiga Feerfeer, kuwaasoo la rumeysan yahay iney ku wajahan yihiin Dhulka Soomaali Galbeed, sidii maleeshiyaadkii aadka u hubeysanaa ee ku dhawaad halka todobaad ka dagaallamaysa gobolka Afdheer oo xudduud la leh Bakool.

Waaxda Amaanka ee Dawlada Degaanka Soomaalida, ayaa sheegay in u-jeedka Shabaabku yahay iney u gudbaan degaanada Oromiya iyagoo raba in ay sii maraan demada Celkari kadibna ku biiraan Kooxda Shane ee Oramada iyo in fariisimo xooggan ka sameystaan buurlayda u dhow xudduudaha si ay gabbaad uga dhigtaan.

Damaca & hamiga istraatijiyadeed ee kooxda Shabaabka, Todobaadkii ugu dambeeyay isbedel ku yimid, kadib markii ay weeraro ka geysteen gudaha Degaano 130-km xadka u jirta, inkastoo khasaare xoogan la gaarsiiyay, hadana waxey sii wadaan dhaqdhaqaaq Maleeshiyo oo Gobolka Hiiraan ah, talaabadaan ayaa lagu fasiray iney ku doonayaan in Ciidamada Ethiopia dib looga soo celiyo Gobolka Tigreega isla markaasna culeysyada looga qaado maleeshiyaadka Oromada oo Dowlada ka soo horjeeda.

203310cookie-checkMaleeshiyaadka Shababka Oo Dhaqdhaqaaqyo Ka Bilaabay Xuduuda Gobolka Hiiraan

1 thought on “Maleeshiyaadka Shababka Oo Dhaqdhaqaaqyo Ka Bilaabay Xuduuda Gobolka Hiiraan

  1. Waxaa xaqiiqo ah in la jiheeyay kooxdaan, mashruucaan wixii ay ka dheeraad Ha la arko

Comments are closed.