Kiisaska Musuqa:-Danjirayaal Dhawaan Kiiskooda La Dhageysan Doono..

Somalia news

Inkastoo Maamulka Villa Somalia xiligaan Hogaanka u haya lagu eedeeyay inuu yahay mid ku caan baxay Musuqa iyo Eexda, ayaa haddana wuxuu Shacbiga Soomaaliyeed ku maaweeliyaa inuu dagaal kula jiro Musuqa, kaasoo uu hormuud u yahay Shaqsi aan Shahaado u heysan Hey’adda Hantidhowrka…

Maamulka Xafiiskaan ayaa la sheegay inuu Dacwad ku soo oogay 3-Danjire oo xilal ka haya Safaaradaha Somalia uga wakiilka ah Dalalka Germany, Turkey iyo Kenya, iyadoo Xafiiskaan uu sheegay in ku dhawaad 3-Millions US$ ay lunsadeen mudadii ay xilka hayeen, talaabadaan ayaa u muuqata mid lagu maaweelinaayo Shacbiga, iyadoo Dacwadii ka socotay Maxkamada xittaa aysan soo bandhigin sida aya wax u dhaceen.

Hogaanka Xafiiskaan ayaa baaritaano sidoo kale ku haya Shirkadaha Turkiga ee Maamuka Garoonka Diyaaradaha iyo Dekeda Mogadishu, waxaana soo galay raad baariseed oo la xiriira dhaqaalaha ka soo xarooda labada Ilood, iyadoo Maxkamada Gobolka oo dacwada kasocoto dhageysiga Kiisaska lagu soo eedeeyay Howlwadeen hoose oo ka tirsan Wasaaradaha, Shaqada, Maaliyada iyo Hey’ada Socdaalka.

272360cookie-checkKiisaska Musuqa:-Danjirayaal Dhawaan Kiiskooda La Dhageysan Doono..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com