UAE Oo Gurmad Caafimaad Hargeysa Ka Dejisay

Health

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay sheegayaan in garoonka Diyaaradaha saakey ay ka degtay diyaarad sida gurmad kala duwan oo dhinaca Caafimaadka ah,kaas oo loogu talo galay Cudurka COVID 19….

Diyaaradaan ayaa waxaa ay ka timid wadanka Imaaraadka Carabta,waxaana la sheegay inay wado qalab Caafimaad oo ay ugu deeqeen Soomaaliland,kuwaas oo looga hortagayo Cudurka Coronavirus.

Soomaaliland ayaa dhawaan waxaa laga helay laba kiis oo kamid ah Cudurka Coronavirus,iyada oo shalay Guddiga ka hortaga Cudurka ay sheegeen in dhawaan la keeni doono qalabka lagu baaro Cudurka.

26960cookie-checkUAE Oo Gurmad Caafimaad Hargeysa Ka Dejisay