Share the post "UK oo Xoojinaysa Iskaashiga Difaaceed oo ay la leedahay Kenya iyo Somalia.."
Xukuumada Boqortooyada United Kingdom ayaa sheegtay iney xoojinaysa iskaashiga difaaceed ee ay la leedahay Dalalkq Kenya, Nijeria & Somalia, talaabadaan qayb ka ah Istaraatijiyad cusub oo Xukuumadu xoogga lagu saarayo Amaanka Afrika, kadib markii USA ay sheegtay iney yareyneyso Taageeradeeda…
Qorshe cusub oo ay diyaarisay Dowlada Great Britain ayeey ku sheegtay in Dib-u-eegista Difaaca Istraatejiyadeed (Strategic Defence Review – SDR) oo ay daabacday dowladda Ra’iisul Wasaare Keir Starmer, iyadoo 3-da Dal ku tilmaamtay kuwo saaxiibo istaraatiiji ah oo muhiim u ah la dagaalanka hanjabaadaha caalamiga ah iyo ilaalinta marinada ganacsiga iyo badda ee muhiimka ah.
UK ayaa Somalia ku sifeysay iney tiir muhiim u ah u tahay Danaha amniga ee UK, Iyadoo la tacaalaysa kacdoonka sii xoogaysanaya ee kooxaha Argagixisadaee Daacishta iyo Shababka, Somalia ayaa UK ka heshay taageero balaaran, oo ay ku jirto dhaqaale dhan $3.9 Million oo lagu kordhiyay Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Taageerada Ciidamada Amaanka Soomaaliyeed, Maalgelintan ayaa taageeraysa sahayda ciidanka, nolosha ciidamada, iyo daadgureynta caafimaad, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xasilinayo amniga Dalka.