Maxaa Horseeday Khalkhal gelinta Amniga Garoonka Diyaaradaha

Somalia news

Shalay abaarihii 14,30 duhurnimo, waxaa lagu kala cararay qeybaha Ganacsiga Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mogdishu, iyadoo Ciidamada Amisom & kuwa Dowladda Federaalka ay xireen wadooyinka soo garoonka…

Warbixin lasoo gaarsiiyay laamaha ammaanka ee gudaha garoonka ayaa argagax iyo cabsi ku beeray dadkii ku sugnaa gudaha garoonka iyo banaankaba, kadib markii lagu soo wargeliyay in unugyo ka tirsan Kooxda argagixisada Shabaabka ay ka soo galeen dhinaca Afisyooni ee garoonka iyo cabsi kale oo laga muujiyay weeraro & gaadiid miineysan oo ka dhaca albaabada laga galo Garoonka.

Wararkaan ayaa saameeyay inuu si deg deg ah u xirmo shaqada Duulimaadyada garoonka, waxayna Ciidamada sameeyeen howlgal iyo in dadkii ku sugnaa gudaha garoonka iyo bannaankiisaba loo digo, lana mariyay baaritaan aad u adag.

Khalkhal gelinta Amniga ayaa ah fariin ay Farmaajo & Fahad ku doonayaan iney ku cabsi geliyaan Shacbiga & Wakiilada Beesha Caalamka, iyadoo Shaqsiyaad oo ku fashilmay 5-tii sano ee u dambeysay iney Xaalada Amaan ee Caasimada wax ka qabtaan isla markaasna si dhab loo la xisaabtamo cidda ja dambeysa dayaca Amniga Dalka.

178640cookie-checkMaxaa Horseeday Khalkhal gelinta Amniga Garoonka Diyaaradaha