Ma Dhabaa in Heshiis Hordhac ah laga Gaaray Wada Hadalada Somalia iyo Somaliland & Saameynta Djibouti iyo UK…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Wada hadalo qarsoodi ah oo Dowlada Federaalka la yeelay Dowladda Djibouti, Maamulka Muuse Biixi iyo Hogaanka Khaatumo, Wada xaajoodkaan ayaa la sheegayaa in xoogaa horumar laga gaaray Maxaabiista ay kala heystaan dhinacyada ku dagaalamay Duleedka Degmada Laas caanood looguna awood sheegtay Xoogaga Maamulka Somaliland..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com u xaqiijisay in Dhinacyadaan ay oggolaadeen in Mab’da ahaan Mogadishu la wada geeyo Maxaabiista la kala heysto oo tiradoodu lagu qiyaasay (Maamulka Khaatumo 260) halka Maamulka Somaliland ay hayaan 50-Maxbuus dagaal, sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in deg deg loo joojiyo Abaabulka Dagaal ee dhinacyadaan ka wadaan Degaanada Oog-Gumeys iyo Qoriligid-Buuhoodle.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland, si hordhac ah la isku afgartay qabashada doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada bisha November 2024, sida tan Maamulada Dowlad Goboleedyada marka laga raabo Puntland, ku darsoo waxaa lagu heshiiyay in doorashada kadibna Hogaanka cusub (maaha Biixi) ayaa ka gorgortami doona maqaamka Somaliland ee Somalia dhexdeeda (malaha sida Confederal arrangement ama hal waddan oo ah laba nidaam sida Hong Kong & China), Go’aankaan ma khuseeyo Maamulka SSC.

Fikirka Nidaamka Federaaleynta Somalia iyo SL ee Confederation waa siyaasad ay muddo sanooyin ah soo waday Dowladda Boqortooyada UK si kastaba ha ahaatee Shacabka Soomaaliyeed waxay si adag uga soo horjeedaan aragtidaan iyo kala goynta Dalka, lama aqbali karo in Nidaam xasuuq 9-Bilood waday lagu abaal mariyo ama mudnaan gaar ah in la siiyo gobol gooni-goosad ah.

Xiligaan Maamulka Hargeysa awood uma laha iney siyaasadda Gobolka ku dhaqdo ama aragtideeda ay ku kasbato iyadoo kaashaneysa UK & Djibouti, Waa iney si fiican ugu biiraan Nidaamka Federaalka Dalka ka dhisan lana joojiyaa in la Abaal mariyo Koox Afduub ku heystay Shacbiga 33-sano si aharci darro ah Dembiyo dagaal iyo xasuuq geystay.

285130cookie-checkMa Dhabaa in Heshiis Hordhac ah laga Gaaray Wada Hadalada Somalia iyo Somaliland & Saameynta Djibouti iyo UK…