Unugyo Kooxaha argagixisada Oo Lagu Qabtay Ethiopia

Somalia news

Xoogaga Amaanka Ee Ethiopia ayaa sheegtay howlgal ay fuliyeen ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Ururrada Shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Somalia, kooxdaan oo lagu Eedeeyay iney maleegayeen qorshayaal qaraxyo xambaarsan…

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Saraakiisha Amaanka ay sheegeen in kooxahaan oo tiradoodu lagu sheegay 14-xubnood ay doonaayeen iney ka faa’iideystaan dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Ethiopia iyo Kuwa Maamul Goboleedka Tigray, iyadoo la sheegay in Xubnahaan la soo qabtay in muddo ahba ciidamadu ku rad-joogeen ugu dambeyntii u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan.

Waxaa wali soconaya howlgalo ka dhan ah xubnahan ka tirsan labada Urur oo la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan degaano ka tirsan dalkaasi, iyadoo la kaashanayo ayeey tiri hay’addu bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ragga la qabtay oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab  iyo Daacish oo ayeey qaarkood sawirradooda baahisay dowlada, qabashadaan ayaa ku soo aaday, iyadoo Ethiopia ay joojisay Diyaaradeedii Safarada ku kala bixin jirtay Magaalooyinka MUQDISHU, Hargeysa iyo Garoowe sababo amaan awgeed.

72410cookie-checkUnugyo Kooxaha argagixisada Oo Lagu Qabtay Ethiopia