Maxaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland ku Qasbay inuu Dalka Norway Daawo u Raadsado..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa safar deg deg ah oo uu Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland Xasan Yuusuf Nuur uu ku gaaray Dalka Norway, iyadoo xaalad Caafimaad iyo mid Siyaasadeed la sheegay iney ku qasabtay inuu soo gaaro Magaalada Oslo, xilli la sugaayay inuu Go’aano ka gaaro muranka Doorashada…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Gudoomiyaha Maxkamadda uu cadaadis kala kulmay shaqsiyaad ku dhow Madaxweynaha Puntland, si uusan u furin dacwadaha Maxkamada hor yaala ee muranka doorashada, iyadoo Garsoorka degaanka laga sugaayo iney kala saaraan arrimaha siyaasada ee Masiiriga ah.

Wararka ayaa sheegay in Maxkamadda ay horyaalaan 4-Dacwadood oo kala ah:-

-Dacwad ay gudbiyeen 8-Xildhibaan oo Golaha Degaanka Puntland ka tirsan.

-2-Dacwo oo ay gudbiyeen Xisbiyada Siyaasada (Horseed iyo Mideeye).

-Mid ay soo gudbiyeen Madasha Siyaasiyiinta.

Xog loo qaateen ah ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Garsoorayaasha Maxkamada kuna saabsan furista Dastuurka, iyadoo xubno Garsoorayaal ah ay diideen iney u hogaamsamaan amarada iyo ceysyada siyaasadeed ee Dani iyo kooxdiisa, ku darsoo Gudoomiyaha ayaa heysta Dhalashada Norway isla markaasna ay dhici karto iney u yeereen Bacdamaa ay balanqaadeen iney bixinayaan maalgelinta Doorashada.

274110cookie-checkMaxaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland ku Qasbay inuu Dalka Norway Daawo u Raadsado..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com